Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa gaaray degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud iyadoo degmadaas lagu wado in uu gaaro R/wasaaraha dowlada Soomaaliya,
Ciidamadan ayaa waxa ay yihiin qaar hordhac ah oo sugaya ammaanka degmada Cabudwaaq oo la filayo in goor dhow uu gaaro R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Taliyaha ciidamada dowlada General C/qaadir Shiikh Cali Diini ayaa ku sugan degmada Cabudwaaq si ay u sugaan ammaanka magaalada Cabudwaaq.
R/wasaare Saacid ayaa shalay gaaray degmada Dhuusomareeb halkaa oo uu kula kulmay madaxda maamulka gobolka Galgaduud iyo kuwa AMISOM.
R/wasaare Saacid iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa la sheegay inay safar dhulka ah ku tegeyaan degmada Cabduwaaq kadib markii ay shalay ay ku tageen dayuurad xarunta gobolka Galgaduud ee Dhuusomareeb.
Idale News Muqdisho