Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ciidamado Boolis ah geeyay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ay ciidamada dowladdu ka saareen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeelaha Hoose ee dhinaca Siyaasada Maxamed Cabdi Mudane ayaa soo dhaweyay ciidamada Booliiska ah ee la geeyay degmada Wanlawaeyn, wuxuuna intaa ku daray in maamulka gobolku uu hore wasaarada arrimaha dibada uga codsaday in ciidamo Booliis ah la geeyo degmadaasi.
Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ciidamada Booliiska ah ee la geeyay degmada Wanlaweyn ay wax la taabankaro ka qabandoonaan ammaanka degmada Wanlaweyn, isagoo ka codsaday dadweynaha ku nool degmadaasi in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan ciidamada Booliiska si loo xaqiijiyo ammaanka guud ee degmadaasi.
Gudoomiye ku xigeenka ayaa dhinaca kale ka warbixiyay amaanka guud ee gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuuna tilmaamay in ammaanka uu hagaagsanyahay, isla markaana ay taasi ku timid xiriirka wada shaqeeyneed ee u dhaxeeya maamulka hey’adaha ammaanka iyo dadweynaha ku nool gobolkaasi.
Waa markii ugu horeeysay oo ciidamo Booliis ah la geeyo degmada Wanlaweyn wixii ka dambeeyay markii laga saaray maleeshiyaadka Shabaab.
Idale News Muqdisho