Ciidamadda Xeebaha Dalka Djibouti waxay gacanta ku dhigeen 62-Tahriibayaal isugu jira Soomaali iyo Ethiopi-an, kuwaasi oo kusii jeeday Xeebaha Dalka Yemen.
Tahriibayaashasi ayaa lagu soo waramay inay ka shiiracdeen xeebaha Dalka Jabouti iyadoo doonaayay inay si dhuumaaleysi ah uga tahriiban Yemen.
Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Jabouti, Col: Waceys Omar Boqore ayaa sheegay inay dar-dar galsheen howl-galada looga hortagaayo Kooxaha Tahriibayaasha
Taliyaha waxa uu sheegay inay Ciidamadda Badda Jabouti Bishii hore kahor tageen 1500 Tahriibayaal doonaayay inay si sharci dara ugu safraan Xeebaha Yemen.
Taliyaha oo u waramaayay Wargeyska (La Nation) ee ka soo baxa dalka Djibouti ayaa sheegay inay howl-galo ku xireen 4000 oo Tahriibayaal ah, kuwaasi oo u kala dhashay Somalia iyo Ethiopia
Taliyaha waxa uu kale uu sheegay in Ciidanka illaalada Xeebaha Jabouti ay horumar ka sameeyen, Howlgalka Caalamiga ee la dagaalanka Burcad badeeda ee ka qooleysata Gacanka Cadmeed iyo badweynta Hindia.
Idale News Muqdisho