Wararka naga soo gaaraya dhanka Magaaladad Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidamadda Dowladda Somalia ay maanta farasaaren Ciidamo ka tirsan kuwa Raaskambooni oo ku sugnaa bartamaha saldhiga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Goob joogayaal ayaa shabakadda Soomaalidamaanta u sheegay in Dagaalka uu ahaa mid socday in Mudda ah waxa ayna nooxaqiijiyeen in Dagaalka uu ahaa mid lasoo abaabulay islamarkaana leysu adeegsadat hubka waaweyn iyo kuwa yar yar.
Weerarka ayaa waxaa horaantii soo qaaday Ciidamo ka tirsan kuwa Xukuumadda Somalia kuwa Dawlada somaliya waxa uuna xoogiisa ka dhacay saldhiga dhexe oo ay ku sugnaayeen kuwaa ururka Raaskaambooni.waxaana weerar uu ka dhacay saldhiga dhexe oo ay ku sugnaayeen Ururka Raaskaambooni.
Goob joogayaasha ayaa shabakadda Soomaalidamaanta u sheegay in Dagaalka uu socday ku dhawaad saacad waxa ayna sheegen in Ciidamadda jabhada Raakaambooni lagala wareegay gacanta saldhiga dhexe ee Kismaayo
iska horimaadka ayaa sababay kadib markii rag hubeysan ay weerar ku qaadeen saldhigga dhexe ee booliska ee magaalada, iyagoo doonayay inay saldhigga xoog ugala baxaan rag shalay lagu soo xiray howlgal ciidanka ammaanka ay ka sameeyeen gudaha magaalada.
Si kastaba ha ahaatee waxaa iminka Goobta dagaalka uu ka dhacay ku sugan Odayaal dhaqmeed kasoo jeeda Magaaladda Kismaayo kuwaasi oo la filaayo inay isu keenaan Ciidamadda Dowlada iyo Jabhadda Raaskambooni.
Idale News Muqdisho