Wargeyska Coastweek ee ka soobaxa dalka Kenya ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka dowlada Kenya ay saakay Xireen inta u dhexeysa Xadka Kenya iyo Somalia, waxa uuna sheegay Wargeyska in Magaalooyinka lagu daadiyay Ciidamo nabadsugid ah oo ilaaliya amaanka Guud ee Dalka Kenya
Xirista Xadka Somalia iyo Kenya ayaa kusoo beegmeysa Xilli Maalinimadii Shalay Magaaladda Libooyo ee ku taala Xadka Somalia iyo Kenya lagu dilay Dad rayid ah, Hoggaamiyaha Ciidamadda Amaanka Gobolka Waqooyi bari ee Dalka Kenya Mr Maalim Mohamed ayaa sheegay Howlgalo ay sameeyen Ciidamadda amaanka inay kusoo qab-qabteen Rag hubeysan iyo Hub sharci daro ah oo laga helay Xaafaddo ku yaala Magaaladda Libooyo
Hoggaamiyaha waxa uu sidoo kale sheegay in Amaanka Magaaladda Libooyo uu iminka yahay mid sugan waxa uuna Tilmaamay in Ciidamo lagu daadiyay Gudaha Magaaladda islamarkaana ay wali wadaan Baadi goob lagu raadinaayo Rag la sheegay inay ka tirsanyihiin Alshabaab oo kusoo dhuunten Magaaladda Libooyo.
Si kastaba ha ahaatee Hoogaamiyaha Ciidamadda Amaanka isaga oo ka faaloonaayay sababta ka dambeysay in la xiro xadka isku xira Kenya iyo Somalia ayaa waxa uu ku sheegay inay soo dhawdahay Xilliga Shacabka ay u daroori lahaayen Goobaha Cod bixinta islamarkaana xadka loo xiray Howla la xiriira Sugida amaanka Dalka Kenya oo dhawaan la filaayo inay ka dhacaan Doorashooyinka.
Idale News Muqdisho