Ciidamada uu hogaaminayo Faransiiska ee ku sugan dalka Mali ayaa u dhaqaaqay magaalada muhiimka ah ee waqooyiga ku taal ee Timbuktu, halkaasoo ay ku xooganaayeen Kooxaha Islaamiyiinta Mintidka ah.
Sabtidii ayaa Ciidamada Faransiiska iyo kuwa Mali ay la wareegeen magaalada kale ee istiraatiijiga ah Gao oo ku taal waqooyiga dalkaas, markii ay isaga baxeen Islaamiyiinta.
Horumarkan ay sameynayaan Ciidamada ku sugan Mali ee uu hogaaminayo Faransiiska ayaa imaanaya, iyadoo Hogaamiyaasha Afrika ay kulan ku leeyihiin magaalada Addis Ababa, si ciidamo dheeraad ah loogu diro Mali.
Kooxaha Islaamiyiinta ayaa waqooyiga dalkaas qabsaday sanadkii hore, laakiin waxay marba maalin luminayeen magaalooyin dhowr ah, markii Faransiiska uu bilaabay howl galka ka dhanka ah horaantii bishan.
Xalat ayaa ciidamada xulafada ay xaqiijiyeen amaanka Gao, markii ay qabsadeen garoonka diyaaradaha iyo buundada istiraatiijiga ee aada Koofurta.
Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Jean-Marc Ayrault ayaa sheegay in Ciidamada Faransiiska iyo Mali in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u gaari doonaan magaalada Timbuktu.
Maleeshiyaadka Islaamiyiinta ayaa ka qaxaya waqooyiga Mali, markii Faransiiska uu duqeyn cirka ah ku qaaday saldhigyadooda, waxaana Telefishinada ka soo muuqanayay gawaari fara badan oo kuwa dagaalka ah oo la gubay.
Shirka Midowga Afrika ee ka furmay magaalada Addis Ababa ayaa ajandayaasha ugu waa weyn ee looga hadlayo ka mid ah arrimaha Mali iyo colaadaha ka jiray.
Idale News Muqdisho