Muqdisho(INO)— Ciidamada Hay’adda Nabadsugida Qaranka ayaa gacanta ku soo dhigay mid ka mid ah labo ruux oo dhaawcay Ganacsade gudaha degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, iyadoo is rasaaseyn dhex martay kooxdii rabtay inay ganacsadaha qaarijiso iyo ciidamada nabadsugida.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Ciidamada Nabadsugida ay u suura gashay inay qabtaan mid ka mid ah labo dhalinyaro oo xabado la dhacayay Ganacsade, waxaana uu xusay in ruuxaas oo dhaawac ah ay gacanta ku hayaan.
“Ciidamada Hey’adda Nabadsugida waxaa u suura gashay inay gacanta ku dhigaan dhagar qabar degmada Wadajir ku dhaawacay ganacsado, ciidamada amniga oo goobta ka ag dhowaa ayaa durbadiiba dhaawacay mid ka mid ah labada ruux, is rasaaseyna dhex martay, qofkii kalena waa baxsaday, waxaana ciidamada gurmad caafimaad u fidiyeen ruuxii kale oo dhaawaca ahaa, waxaa la geeyay goob caafimaad”ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ruuxa ay qabteen ee dhaawaca ahaa uu qirtay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab, isla markaana horay ugaga soo biiray kooxdii Xisbul Islaam ee bur burtay.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in Ganacsadaha la dhaawacay la geeyay mid ka mid a Isbitaalada Muqdisho, waxaana uu xusay in markii u horeysay ay tahay in ciidamada amniga ay ganacta ku dhigaan kooxo raba inay dil geystaan.
Dhinaca kale waxa auu sheegay inay shabakad isku xiran ay ka jirto degmada Wadajir, kuwaasoo horay dilal kala duwan uga geystay degmadaas, gaar ahaan dilkii u dambeeyay ee degmadaas ka dhaca uu ahaa kii lagu qaarijiyay Engineer, Dhaqtar iyo sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda.
Idale News Online, Muqdisho