Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed si dag dag ah u gurmaday Mukhtaar Roobow

0
198

Odalenews-Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed ayaa u gurmaday Wadaadka ka goostay Al-Shabaab Mukhtaar Roobow, kaddib markii weerar culus ay shalay ku qaadeen Al-Shabaab.

Wararka laga helayo Xudur ayaa sheegaya in Ciidamada Koofur Galbeed oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ay shalay ka ambabaxeen.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in ciidamadooda ay ku dhow yihiin deegaanka Abal ee shalay lagu dagaalamay.

Xaalada deegaanadii lagu dagaalamay ayaa saaka degan, iyadoo Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaanka Abal ee ay shalay ka qabsadeen Mukhtaar Roobow.

Dagaalkii shalay dhex maray dagaalyahanada Shabaab iyo Maleeshiyada taabacsan Abuu Mansuur ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad labaatan ruux oo ahaa dhinacyadii dagaalamay.

Kusimaha Madaxweynaha Koofur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay Mukhtaar Roobow uu iska caabiyay weerarkii Al-Shabaab ku soo qaaday, isla markaana iska difaacay in saldhiggiisa ay qabsadaan sida uu hadalka u dhigay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay dib ugu laabteen deegaanka Labaatan Jirow ee Gobolka Baay oo aheyd halkii ay weerarka ka soo qaadeen.

Xiriiro ayaa la sheegayaa inuu dhex maray Mukhtaar Roobow iyo Maamulka Koofur Galbeed, lamana oga inuu aqbali doono iyo in kale inuu isku dhiibo maamulkaas, si uu uga bad baado weerarka Al-Shabaab