Sirte(INO)- Ciidamada Dowladda Libya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Magaalada Sirte ee dalka Libya oo xarun u aheyd Xoogaga Daacish ee dalkaasi ka dagaalama, kadib dagaalo culus oo ay la galeen ciidamada Dowladda Daacishta, Libya.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dalka Libya ayaa sheegay inay ciidanka xaqiijiyeen gacan ku dhigista Saldhigii ugu weynaa ee ciidamada Daacish ay kaga sugnaayen Magaalada Sirte.
Waxa ay sheegeen Saraakiisha sidoo kale ciidamada inay gaareen Isbitaalka weyn ee Magaalada Sirte oo horay ay gacanta ugu hayeen ciidamada Daacish.
Saraakiisha ciidamada Dowladda Libya ayaa sheegay Ciidamo ka tirsan Daacish inay ku sugan yihiin Xaafado ka tirsan Magaalada Sirte, balse weli uu socdo howlgalka ka dhanka ah Daacish ee looga sifeynaayo Libya.
In ciidamada Libya ay qabsadaan gacan ku haynta Magaalada Sirte ayaa waxaa suuragaliyay ayaa la leeyahay Duqeymaha Diyaaradaha Mareykanka ay ku garaaceen Saldhigyada Daacish ee Magaalada Sirte.
Iyadoo Daacish ay la liidato Duqeymahaasi ayaa dagaal dhanka dhulka ah waxaa ku galay ciidamada Libya oo u suuragashay inay qabsadaan Saldhigii ugu weynaa ee Daacish ku lahaayeen Magaalada Sirte.
Xoogaga Daacish ayaa awood ku leh dalka Libya oo ka mid ah goobaha ay ku leeyihiin Saldhigyada waaweyn ee dagaalada ay ka qaadaan.