Ciidamada Koonfur Galbeed Oo Isku Fidiyey Degaano Hoostaga Degmada Berdaale

0
198

Berdaale(INO)- Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Al Shabaab kala wareegay deegaanka Buulo Xaawo oo ku yaalo inta u dhaxeysa Bardaale iyo Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Bay.

Dagaal ka dhacay deegaanka Buulo Xaawo ayaa waxaa suuragashay in ciidamada ay qabsadaan halkaasi, sida uu goor dhaweyd Xaqiijiyay Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cari Case.

Ciidamada oo aanan la kulmin dagaal sidaa u buuran ayuu sheegay Taliye ku xigeenka inay qabsadeen deegaankaasi, kadib markii Shabaabkii halkaasi joogay ay isaga carareen.

Waxa uu intaasi ku daray howlgalka lagula wareegay deegaanka Buulo Xaawo inuu amar ku bixiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, si deeganada Maamulkaasi ee Shabaabka go’doomiyeen Bulshada ku nool gar gaar loo gaarsiiyo.

“Deegaan hoos yimaada Degmada Bardaale oo u dhaxeeya Qansaxdheere iyo Bardaale ayeey saaka ciidamada qabsadeen, dagaal yar ayey Shabaab kala hor yimaadeen alxamdulilaah ciidamada waa ay qabsadeen Bulshadii ayeey u Khudbeeyeen si nabad ah ayeeyna u joogaan.” Ayuu yiri Taliye ku xigeenka Booliska gaarka ah ee Koonfur Galbeed.

Sarkaalkaan ayaa ku hanjabay inuu sii socon doono howlgalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab inta deeganada Koonfur Galbeed laga xureynaayo Shabaab.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shalay kulan kula qaatay magaalada Baydhabo Wasiirada Maamulkaasi ayaa amar ku bixiyay in ciidamada ay qaadaan howlgalo Shabaab ka dhan ah.