Waajid(INO)- Ciidamada Koonfur Galbeed oo garabsanaya kuwa dowladda Federaalka ah ayaa maanta waxay howlgallo ballaaran ka sameeyeen degmada Waajid ee gobolka Bakool iyo deegaanno kale oo degmadaasi ku dhow.
ciidamada ayaa kusoo baxeen wadada dheer ee isku xirta degmooyinka Baydhabo iyo degmada Waajid oo ka kala tirsan Bay iyo Bakool.
Ulajeedka howlgalkaan ayaa lagu sheegay in looga golleeyahay sidii loo sugi lahaa amniga wadadan oo dhawaan la filayo in la marsiiyo raashiin gargaar ah oo loogu talo galay shacabka ku sugan degmada Waajid.
Ma jirto cid lagu soo qabtay holwgalkaan iyo wax iska horimaad ah oo ciidankaan ay kala kulmeen dhanka Xarakada Al-shabaab.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.