Ciidamada Itoobiya oo isaga baxay deegaanka Garasweyne iyo Shabaab oo qabsaday

0
304

Xudur(INO)- Wararka inaga soo gaaraya Deegaanka Garasweyne oo ku yaalo Duleedka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay isaga baxeen deegaankaasi.

Ciidamada Itoobiya oo wata gaadiidkooda dagaalka ayaa la sheegay inay u dhaqaaqeen shalay galab dhanka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in ciidamada Itoobiya ay isaga baxaan Deegaanka Garasweyne oo Qiyaastii 50-KM u jirta Degmada Xudur.

Markii ciidamada Itoobiya ay baneeyeen Deegaankaasi, ayaa durbadiiba waxaa iyana halkaasi isaga baxay ciidamo ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed oo halkaasi ku sugnaa, kadib markii ciidamada ay ogaadeen in Shabaab dhaq dhaqaaq ay ka wadaan duleedka Garasweyne.

Ciidamada Shabaabka ayaa si nabdoon ku soo galay deegaanka oo qabsaday, iyaga oo meel fagaare ah kala hadlay Bulshada ku nool Deegaanka Garasweyne.

Xubno ka tirsan Shabaabka oo fagaaraha kula hadlay Bulshada Deegaanka ayaa u sheegay Maamulkii Deegaanka Garasweyne ee Shabaab in dib uu u shaqo bilaabi doono.

Maamulka Koonfur Galbeed oo muddooyinkii dambe ciidamo badan hubeynaayay ayeey arintaan dhabar jab ku tahay, maadaama maalmahan ay soo badanayaan Deeganada ciidamada Itoobiya ay ka baxayaan ee Gobolada Baay iyo Bakool ka tirsan.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.