Ciidamada Huwanta ee ku soo durqaya Magaalad Dekada ah ee Kismaayo

0
224

Dagaal aad u qaraar ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu ka qarxay barqanimadii maanta degaano ku yaala duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka jubada hoose kuwaasoo dhexmaraya ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa Kenya oo hal dhinac ah iyo xoogaga Al-shabaab.

Wararku waxay sheegayaan in dagaalkan uu ka qarxay inta u dhexeysa magaalada Kismaayo iyo degaanka Birta-dheer oo isku jira masaafo gaareysa illaa 50-km, waxaana la isku adeegsanayaa hub kala duwan.

Saraakiisha ciidamada dowlada ayaa sheegaya in dagaalkaas uu qarxay ka dib markii ciidamadooda iyo kuwa Kenya oo ka dhaqaaqay degaanka Birta-dheer kuna sii jeeday magaalada Kismaayo ay iska caabin kala hor yimaadeen xoogaga Al-Shabaab, waxaana wararku ay sheegayaan in dagaalkan uu yahay mid aad u qaraar oo gacmaha la iskula tegay.

Qaar ka mid ah shacabka magaalada kismaayo ayaa sheegaya iney maqlayaan daryanka rasaasta iyo madaafiicda la isku weydaarsanayo duleedka magaalada, iyagoo xusay in magaalada Kismaayo ay badankeed ka baxeen xoogaga Al-shabaab iyo saraakiishoodii sare.

Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya halka ay qabteen ciidamada iyo saraakiisha Al-shabaab ee ka baxay Kismaayo, kuwaasoo qaarkood ay sheegayaan iney aadeen goobaha dagaalka halka warar kalena ay sheegayaan iney qabteen dhinaca degmada Jilib.

Qaar ka mid ah saraakiisha Al-shabaab ayaa sheegay in dagaalka ka socda duleedka Kismaayo ay ku soo rideen mid ka mid ah dayuuradaha dagaalka ee Kenya ka dib markii ay la heleen gantaal hase ahaatee ma jiraan warar madax banana oo xaqiijinaya saraakiisha dowladana wey ka gaabsadeen.

Idale News Muqdisho
Siyad Axmed Macalin siyad_macalin@hotmail.com