Dagaal muddo kooban soconaayay ayaa wuxuu goor dhaw uu ka dhacay Suuqa Caalamiga ah ee Bakaaraha, wuxuuna u dhaxeeyay Ciidan ka wada tirsan Dowladda.
Dagaalka labada dhinac ayaa wuxuu ka dhacay Suuqa Dahabka ee Bakaaraha, wuxuuna u dhaxeeyay Ciidan doonaayay inay goobtaasi dhac ka geystaan iyo ilaalada Suuqa Bakaaraha.
Rasaas xoogan ayaa waxaa laga maqlaayay qeybta Dahablaha, waxayna cabsi badan ay ku keentay shacabkii ku sugnaa Suuqa Bakaaraha.
Ciidamada Ilaalada Suuqa Bakaaraha ayaa waxay ku guuleysteen inay dib meeshaasi uga saaraan Ciidamadii dooneysay inay dhaca ka geystaan, inkastoo uu khasaaro soo gaaray ilaalada Suuqa.
Laba askari ayaa waxaa la xaqiijiyay inay dhacdadaan ku dhaawacmayn, iyadoo sidoo kalana uu dhaawac ka soo gaaray gabar dhalinyaro ah, oo goobtaasi ku sugneyd.
Idale News Muqdisho
Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin dagaalka Ciidamada Dowladda ku dhex maray Suuqa Bakaaraha.