Ciidamada Dowladda oo duulan ku ah Isbaarooyin lasoo dhigay Wadooyinka isku xira Muqdisho iyo Jowhar

0
211

Wararka nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Ciidamo Hubeysan ay isbaaro dhigteen Wadada isku xirta Magaaladda Muqdisho iyo Jowhar sida ay wararku sheegayan Ciidamadda Isbaaradda dhigtay ayaa ah kuwii dhawaan laga kala Ceyriyay Isbaarooyinkii yiilay Magaaladda Muqdisho

Taliska Booliska ayaa sheegay inay wadaan weeraro ka dhan ah Ciidamadda Isbaarada dhigtay wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar waxa ayna Taliska howshaasi ku tilmaamen inay tahay mid lagu sumcad dilaayo Xukuumadda somalia

Taliyaha Qeybta Booliska Magaaladda Jowhar Khaliif Cali Cabdulle ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamadaasi ay yihiin kuwa hubeysan islamarkaana dhac u geeysta Dadka iyo gaadiidleyda, Taliyaha waxa uu sidoo kale sheegay in Ciidamadda Xooga dalka ay dhawaan duulan ku yihiin Goobaha ay isbaarada dhigteen Burcadda

Sidoo kale Taliyaha Qeybta Booliska ayaa Tilmaamay in Duuankooda uu ahaan doono mid ay si wada jir ah u fuliyaan Xoogaga somalia oo garabsanaaya kuwa AMISOM isaga oona taas ku sheegay inay tahay mid aan qaadan doonin daqiiqado waxa uuna sheegay in ragaasi ay dhigi doonaan Xabsiga Dhexe ee somalia si looga bad-baado uu yiri inay mar kale dib ugu soo laabtan Goobaha ay ciidamadda Duulanka ku yihiin

Si kastaba ha ahaatee Taliye Khaliif ayaa xusay in Ciidamada dowladda ay fariisimo hor leh ka sameysan doonaan Goobaha ay duulanka ku yihiin oo ay iminka Joogan Burcadda.

Idale News Muqdisho