Dhageyso:Ciidamada dowlada oo ka baxey Beled Xaawo iyo Alshabaab oo la wareegey degmada dagaal Culus oo halkaaas ka dhacey ka dib

0
212

Dhageyso Goobjooge ku sugan gudaha Beled-Xaawo [audio:http://jubba24.com/wp-content/uploads/2012/11/Dagaalka-.Xaaw_.mp3]
Wararka ka imaanaya Magaalada Baladxaawo ayaa sheegaya in halkaasi ay goordhow la wareegeen gacanku haynta degmadaasi.

Qaar kamid ah dadka deegaanka yaa xaqiijiyay in ay si toosa gacanta ugu dhigeen degmada Baladxaawo Ciidamada Al-shabaab.

Dagaal qaraar oo dhacay maanta ayaa u suura galiyay Ciidamada Xarakada Al-shabaab in ay gudaha u galaan degmada Baladxaawo, Ciidamadii dowladda ee ku sugnaa degmadaasi ayaa u jahaystay dhinaca degmada Doolow.

Cabsi xoogan ayaa ka jirta haatan Magaalada Baladxaawo ayadoona ay suura galtahay in ay dib ugu soo laabtaan ciidamaddii dowlada ee ka baxay magaalada, sidoo kale waxaa suura gal ah in Ciidamadda Kenya iyo kuwa Itoobiya kusoo biiraan dagaalka maadaama laga awood roodaanaday kuwa Dowladda.

Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi lama oga waxaana iminka hawada ka maqan dhamaan is gaarsiinta degmadaasi.

Waxii warar ah oo dagaaladaas ku saabsan kala soco idale News