Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa diyaargarow ugu jira sidii ay ula wareegi lahaayeen degmada Diinsoor oo ah degmo muhiim ah kana tirsan gobolka Bay.
Wasiirka gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay inay wadaan qorshooyin ku aadan la wareegida degmada Diinsoor ee Gobalka Bay.
Waxana uu wasiirka gaashaandhigga sheegay in aysan jirin wax ka hortaagan inay la wareegaan degmada Diinsoor iyadoo dhowaan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen degmada Buurhakaba ee gobolka Bay,
Degmada Diinsoor ayaa ka mid ah degmooyinka ay xarumaha ka dhigteen ururka Alshabaab kadib markii ay ka baxeen degmooyin badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya.
Ciidamo badan oo dowlada Soomaaliya ka tirsan ayaa dhowaan tababar loogu soo xiray gobolka Bay iyadoo dhowaana heshiis laga gaaray khilaafkii ka jiray maamulka gobolka Bay.
Idale News Muqdisho