Ciidamada DFS oo AMISOM kaashanaya iyo Al Shabaab oo ku dagaalamay Bakool

0
195

Xudur ( INO)-Wararka naga soo gaaraya deegaanno ku dhow dhow Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in halkaas ay maanta isku fara saareen Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaya AMISOM gaar ahaan Ciidamada Ethiopia iyo Xarakada Al Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada isgarabsanaya ay howlgallo halkaasi iyagoo ka wada mar qura la kulmeen weerar gaadmo ah oo ay ku soo qaadeen Xarakada Al Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in 3 Askari looga dilay Ciidanka dowladda dagaalkaasi.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Bakool ayaa la sheegay in maalmihii dambe ay  ku biirayeen Maleeshiyo ku sugan deegaanada Gobolkaasi , Ciidamadaas ayaana ka mid ah Guutada 8aad ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Al Shabaab ayaa weli ku sugan qeybo ka mid ah Gobollada Koofureed Soomaaliya iyagoona weeraro la kowsada Xarumaha Ciidamada dowladda Federaalka Somaaliya iyo kuwa AMISOM intaba.