Ciidamada Dawladda ee Magaalada Kismaayo oo Maanta Heegankii ugu Sarreeyay la Galiyay.

0
229

puntland

Wararka naga soo gaaraya magaalada kismaayo ee Gobolka jubada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada dawladda ee halkaa ku sugan Maanta la galiyay Heegan kii ugu sareeyay.

Ciidamada ayaa lagu arkayay waddo kasta oo magaalada ah iyagoo samaynaya hawl baaritaana ah oo dadka iyo gaadiidkaba lagu baarayo.

Ciidamada ammaanka kismaayo oo dhiifoonaan fara badan ay ka muuqato ayaa xaafadaha qaar Guri Guri u galayay iyagoo halkaas ka samynaya baaritaano ay ku xaqiijinayaan ammaanka magaalada.

 

Dhinaca kalena waxaa hawlo gaba gaba ah ay ka soconayaan Xarunta jaamacadda kismaayo halkaasoo Odoyaal iyo wax garad ay ku shirsan yihiin isla markaana la abaabulayo hanaankii loo soo xuli lahaa Musharixiinta ku tartamaysa Jagada Madaxweynaha Jubba Land.

Dhinaca kale waxaa waddooyinka magaalada Kismaayo maanta socod ku maray Taageerayasha Musharixiinta qaarkood kuwaasoo ku lebisnaa Funaanado ay ku sawiran yihiin Musharaxa ay taageerayaan.

Taageerayaashan ayaa waxa ay socodkooda ku muujinayeen sida ay u taageersan yihiin Musharaxa ay taageerayaan iyagoona ugu baaqayay  Dadka ganacsiga ku leh hareeraha waddooyinka in ay taageeraan kuna soo biiraan  Musharaxa ay taageerayaan.

Idale News Muqdisho