Ciidamada Booliska KG Soomaaliya Oo Howlgal Dad Lagu Soo Qabtay Ka Sameeyay Degmada Afgooye

0
280

Afgooye(INO)-Ciidamada Booliska Dowladda Koonfur Galbeed  Soomaaliya ayaa howlgal xalay ay ka sameeyeen Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose waxa ay ku soo qab-qabteen dad kala duwan oo Shabaab lala xiriiriyay.

CIIDANKA KGS

Howlgalkaan ayaa ka dhacay Xaafadaha Xaawo Taako iyo Dhagaxtuur, waxaana Booliska ay soo qabteen dad dhalinyaro ah oo falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka lagu eedeeyay.

Taliyaha Saldhiga ciidamada Booliska Degmada Afgooye Amiin Maxamed Cusmaan, ayaa sheegay in dadka lasoo qabtay ay gaarayaan ilaa 20-ruux oo dhalinyaro ah.

Wuxuu sheegay in dhalinyaradaan la baarayo cidii dambi lagu helo laamaha ammaanka Dowladda loo gudbinaayo, cidii kalena lasii deynaayo.

Degmada Afgooye todobaad ka hor waxaa dagaal culus ku soo qaaday ciidamada Ururka Al Shabaab oo Magaaladaasi ku dilay ciidan badan oo Booliska ka tirsan.

Idale News Online, Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here