Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo galabta la wareegay degmada Mahadaay

0
227

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa galabta si nabad kula wareegay degmada Mahadaay, deegaanka Buurane iyo Garoonka Diyaaradaha, kadib markii ay duulaan ka qaadeen galbeedka magaalada Jowhar oo ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadeen.

Wararka laga helayo degmada Mahadaay oo Jowhar u jirta ilaa 30-KM ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan dowladda ay gudaha u soo galeen, kuwaasoo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka, markii ay isaga baxeen Al-Shabaab.

Dad ku sugan degmada Mahadaay ayaa sheegay in aanay soo gelin Ciidamada AMISOM, hase ahaatee ay joogaan deegaanka Buurane oo ilaa 3-KM u jira.

Sidoo kale Ciidamada ayaa fariisimo ka sameystay Garoonka diyaaradaha oo dhaca galbeedka magaalada Jowhar, waxaana Ciidamada huwanta u muuqdaan kuwo isku sii fidinaya deegaano hor leh.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada ay ku sii jeedaan deegaanka Fiidow ilaa Keliga Shiinaha, si ay u soo xiraan xuduuda Shabellaha Dhexe uu la wadaago Gobolka Hiiraan.

Qabsashada degmada Mahadaay iyo deegaanada kale ee ku yaala laamiga isku xira Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa suura gelin kara in Ciidamada ay maalmaha soo socda ay gaaraan sida deegaanada Jalalaqsi, Buurweyn ilaa Buulo Burde.

Idale News Muqdisho