Ciidamada Ahlusunna iyo ciidanka dowlada oo dib u qabsadey Beled-Xaawo

0
285

Wararka naga soo garaya magaaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaay tibaxayaan in Ciidamada Ahlusunna oo gacan ka helaya kuwa dowlada ay dib gacanta ugu dhigeen  Magaalada Balad xaawo.

Dib u qabsashada Magalaada  Balad xaawo ayaa timid ka dib  Marki  galabta si lama filaan ah ay  qaybo ka mid ah Magaaladaasi gudaha ugu soo galeen  Ciidamada A-Shababaab .

Dagaal Faraha looga gubtay oo ay dib u soo qaadeen  Ciidamada Ahlusunna oo taagera ka helaya Ciidamada Dowlada Somalia ayaa waxaa uu suurto gashey in  Magaalada ay  dib ugu gacan gasho Ciidamada  huwanta ah.

Hadda  magaalada  Balad Xaawo waxaa dhex wareegaya  Ciidamo badan oo ka tirsan huwanta  waxaayna wadaan baaritaan  ay ku samaynayaan qaar ka mid ah Xaafadaha Magaaalada Balad Xaawo.

Inta la xaqiijiyay dagaalkaasi waxaa ku dhimatay  10 qof  dhawacana intaasi waa ka badan yahay waxzaa sido kale intaasi dheer oo la xaqiiijiyay  in Xarakada Al-Shabaab ay Maydad uga dhintay  dagaalka  horay u sii qadatay.

Dagaalka ayaa  waxaa ka hadlay Maamulka Ahlusunna ee ka arimiya  Balad xaawo iyo Masuliyiin ka tirsan  Dowlada Somalia  oo ku sugan  gobolka Gedo waxaayna shegeen in Xarakada Al-Shabaab ay ku fashilantay  dagaalki ay soo qaday  jabweyna ay garsiyeen.

 

Idale News Nairobi