CIA iyo Sirdoonka Israel Ee Mossad OO Khilaaf Dhex Dhigey Ururka Boko Haram

0
210

Abuja(INO)—Hogaamiyaha khilaafka ka taagan yahay ee ururka Boko Haram Abubakar Shekau ayaa sheegay inuu weli yahay hogaamiyaha saxda ah ee ururka Boko Haram,inkastoo ururka Dowlada Islaamiga ah  ee Daacish ay sheegtay inay bedeshay.

Abubakar Shekau ayaa cambaareeyay ku dhowaaqida ay ISIS  ku sheegtay in Abu Musab al-Barnawi uu yahay hogaamiyaha cusub ee Boko Haram. Boko Haram ayaa la dagaalamaysa dowlad Nigeria iyadoo dooneysa in lagu xukumo shareecada Islaamkia waqooyiga Nigeria.

Hase yeeshee 18kii bilood ee la soo dhaafay ayaa dib u dhac weyn ku yimid ururka iyadoo deegaano badan oo ay gacanta ku haysay laga saaray. Shekou ayaa markii ugu dambeysay ee la maqlo ahayd bishii August ee sanadkii la soo dhaafay isagoo xilligaas sheegay inuu nool yahay.

Cajalad maqal ah oo uu soo saaray Shekou ayuu ku tilmaamay hogaamiyaha cusub ee uu ururka IS u magacaabay Boko Haram inuu yahay qof doonaya in uu afgambiyo.

Warkan ka soo yeeray Shekou ayaa muujinaya in khilaaf xoog leh uu ka dhex jiro ururka Boko Haram taasina ay sababi karto in dhexdooda uu dagaal uu ka dhex qarxo.

Shekau ayaa lagu eedeyay in uu hub iyo saanad milatari uu urursaday ayna dhici karto in uu dagaal ku qaado hogaamiyaha cusub ee ay IS taageersantahay.Shekau ayaa noqday hogaamiyaha ururka Boko Haram kadib markii uu ku geeriyooday xabsi ku yaal dalka Nigeria aasaasihii ururka Muhammed Yusuf sanadkii 2009. Hase ahaatee bishii March ee sanadkii hore ayuu Shekou ku dhowaaqay in ururka uu ku biiray IS.