C/fataax Geesey “Baydhabo waxaa ku soo qul qulaya ergooyinka dhisi lahaa maamul goboleedka”

0
202

Gudoomiyaha Gobolka Bay C/fataax Ibraahim Geesey ayaa sheegay inuu socdo qaban qaabada shirweynaha maamul goboleedka loo dhisayo Gobolada Bay iyo Bakool, iyadoo ay ku soo qul qulayaan ergooyin ka kala socota Labada gobol.

C/fataax Geesey ayaa sheegay in sharaf u tahay in magaalada Baydhabo ay marti geliso shirka lagu dhisayo maamul goboleed,a isagoo tilmaamay inay aad isaga xil saareen xaqiijinta amaanka magaalada.

“Malaaqyada beelaha digil iyo mirifle, markii ay ku dhawaaqeen in 20-ka Janaayo ay ergooyinka soo xaroodaan, waxaa soo qul qulaya oo Baydhabo soo gaaraya ergooyin badan, sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dhismaha maamul goboleedka”ayuu yiri C/fataax Geesey.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in xiriiro ay la soo sameeyeen ergooyinka, isagoo xusay inay muhiim tahay in la tashto, isla markaana gogol la isugu yimaado, waxaana uu xusay in dadka deegaanka uu ka muuqdo yididiilo wanaagsan.

“Anaga maamul ahaan sharaf weyn ayay noo tahay in meesha gogosha la dhigayo ay tahay Baydhabo, dadka deegaanka yididiilo wanaagsan ayay ka muujinayaan, ergooyinkana waa soo bilaabanayaan marba marka ka dambeysa”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Maalmihii u dambeeyay ayaa magaalada Baydhabo waxaa ka jiray qaban qaabo xoogan oo lagu dhisayo maamul goboleed uu yeesho gobolada Bay iyo Bakool, iyadoo dhaq dhaqaaqyadan ay si weyn ugu lug leeyihiin Siyaasiyiin hore iyo madaxdii dalka soo martay.

Idale News Muqdisho