Cawaale: “Calanyahoow Cisigaadii mar kale soo celin, colaad laga fiyoobaan..Inshaa Allah”

0
284

Calanyahow calanyahow baluugee
xidigta xidigta cadaankee
dhexda kaga cabirantee
cizigii xoriyadee
lixdankii ku caanbaxoo
inshallahu marbaad curanoo
Rabi soo celin cudurdaaro
sida curubta iyo
ubax curdunaad carfi doonta

Oo cizigaagi markale soo celin
cirku ilmo furin
dhulku wada cagaaran
colaad laga fayoobaan
inshallahu marbaad curanoo
Rabi soo celin cudurdaaro
sida curubta iyo
ubax curdunaad carfi doonta

Oo cishaa imane calanyoow
caalamkoo idil calanyoow
laga cizeyn calanyoow
codkaagu shaqeyne calanyoow
caradaada dahabka calanyoow
shidaalka camiran calanyoow
ceeyrin la soo bixi calanyoow
oo ceyr kaga bogsani calanyoow

inshallahu marbaad curanoo
Rabi soo celin cudurdaaro
sida curubta iyo
ubax curdunaad carfi doonta