CALIFORNIA: Aroos baroor iyo tacsi kusoo idlaaday iyo hooyada aroosadda oo goobta ku dhimatay

0
202

Whittier(INO)- Aroos ka dhacay magaalada Whittier ee gobolkaasi California ee dalka Mareykanka ayaa kusoo idlaaday baroor iyo tacsi kaddib markii martida uu kusoo dhacay geed weyn kaas oo geystay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Haweeney 61 jir ah ayaa shilkaasi ku geeriyootay, waxaana ku dhaawacmay shan kale, sida ay qorayaan warbaahinta gobolkaasi.

Shilkan ayaa ka dhacay goob beer ah oo sawirro looga qaadayay arooska iyo aroosadda, waxaana mar qura soo dhacay geed da`diisa lagu qiyaasay in ka badan 50 sano oo 24 mitir ahaa.

Arooska iyo aroosadda oo murugeysan islamarkaana oynaya ayaa goobta isaga dhaqaaqay, waxaana haweeneyda dhimatay lagu sheegay hooyada aroosadda.

Arooskii farxadda ahaa ayaa daqiiqado gudohood isu badalay baroor iyo kala carar.