Calanka Soomaaliya oo Caawa laga bilaabo Hoos Loo Dhigay

0
240

Muqdisho(INO)- Waxaa caawa ka bilaabato hoos loo dhigay Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya sabab lagu sheegay Tiiraanyada geeridii naxdinta laheyd ee Labo Habeen ka hor ku timid Marxuum Janeral Maxamed Cali Samatar.

Kusimaha Madaxweynaha Dalka ahna Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa hadalkaan ka sheegay kulan ka dhacay manta Magaalada Muqdisho.

Waxa kulankaasi iskugu yimid Gudiga Qaban qaabada Loo diyaariyey inay Aas Qaran usameeyaan Meydka Marxuum Samatar oo Soomaaliya dhawaan loo soo qaadi doono maadama uu ku dhintay Waddanka Mareykanka.

Gudigu waxey sheegeen in mudada Aaska loo sameenayo Meydka Marxuumka Calanka Hoos loo dhigay islamarkaana si hab maamuus leh  loo aasi doono.