Cabsi Hor leh Oo Kenya Ka Soo Food Saartay Xagga Al Shabaab

0
189

Nairobi(INO)- Dhalinyarada ku biirta Xarakada Al Shabaab  ee dalka Kenya ayaa la sheegay in ay halis weyn ku yihiin Ammaanka qaar ka mid ah gobalada kale ee dalka Kenya sida lagu sheegay Warbixin cusub oo dhawaan uu soo saaray Urur Goboleedka IGAD.

Al Shabaab ayaa la xusay in weeraro ay horay uga gaysteen dalal ka baxsan Kenya sida dalka Uganda oo ay weerareen sanadkii 2010 halkaasoo ay ku dileen 74 oo Magaalada kambala ku daawanayey ciyaaraha adduunka.

Garabka Al Hijra oo ka tirsan Al Shabaab-ka  Kenya oo u badan dhalinyaro ku biiray Xarakada ayaa hada la sheegay in ay ku sii fidayaan Magaalooyinka Eldoret,Naivasha,Nakura,iyo kuwa kale oo ku yaala bartamaha Kenya.

Waxaana la xaqiijiyey in ay suura gal tahay in ku sii fidaan Gobol kale oo ku yaala Kenya iyagoo u sii gudbi kara qaar ka mid ah dalalka xuduudaha la leh Kenya sida Tanzania .

Lix ka mid dhalinyaro u dhalatay Kenya oo ay Dowladda baadi goobeyso  ayaa hada la rumeysanyahay in ay ku biireen Al Shbaab kuwaasoo ka dagay Magaalada Isiolo ee dalka Kenya.

Booliska ayaa sheegay in inta badan dhalinyarada ku biirta Al Shabaab ay tiradooda sii kordheyso iyadoo hada ay gaaraan Magaalooyin kale oo ka baxsan Gobolka Waqooyi Bari.