Buuq hareereeyay kulan xalay uu qabtay musharrax Donald Trump

0
365

trumph
Ohio(INO)-Kulan xalay uu ku qabtay musharrax Donald Trump magaalada Cleveland ee gobolaasi Ohio, Mareykanka ayaa waxaa hareereeyay buuq kaddib markii qaar ka mid ah taageerayaasha xisbigiisa Republiga ay ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah isaga kuwaas oo ay ku muujinayeen in aysan isaga u dooneyn xilka madaxweynenimo.

Taageerayaasha ayaa sidoo kale dalbanayay in lasoo saaro sharci u ogolaanaya taageerayaasha xisbiga in ay xilka madaxweynenimo u dooran karaan musharrax kale.

Kulankan lagu mucaaradayay mr. Trump ayaa waxaa sidoo kale khudbad ka jeedisay xaaskiisa taas oo taageerayaasha ku qaboojineysay in uusan ninkeeda marnaba niyad-jabin doonin haddii ay u doortaan madaxweyne.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.