Brack Obama oo booqan Doona dalal African ah

0
193

Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Brack Obama ayaa lagu wadaa in dabayaaqada Bishaani July ee sanadkaani Booqasho ku soo kala baxsho Dalalka Kenya iyo Nigeria iyo dalal kale.

Booqashadaasi ayaa noqon doonta tii labaad ee uu Qaaradda Africa ku soo booqdo tan iyo markii uu Madaxweyne ka noqday Dalkaasi Mareykanka.

Aqalka cad iyo waaxda arimaha Dibadda Mareykanka wey ka gaabsadeen inay ka faaloodan Safarka Madaxweynaha, iyadoo Diplomaasiyiinta dhaliilsan yihiin sida Madaxweyne Obama uga caga-jiidaayo wanaajinta xiriirka uu la leeyahay Dowladaha Africa.

Kaaliyaha Xog-hayaha Arimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Arimaha Africa Johnnie Carson ayaa gaashanka ku dhuftay Eedeyntaasi, wuxuuna xusay in maamulka Madaxweyne Brack Obama culeyska saarayaan sidii iskaashi wanaagsan ula yeelan-lahaayen Dowladaha Africa iyo ladagaalanka Kooxaha Argagixisadda.

Mr Carson wuxuu sheegay inay dowladda Mareykanka Gacan ka geysaneyso Dib usoo celinta Nabadda somalia, islamarkaana ay kaalin ku lahaayen Xurinimo gaarsiinta Dowladda Cusub ee South Sudan.

Idale News Muqdisho