Boqorka Sacuudiga Oo Diiday Ka Qaybgalka Kulan Obama Uu Ku Casuumay

0
229

Riyadh(INO)-Kadib markii Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama uu casuumaad u fidiyay hogaamiyeyaasha wadamada Khaliijka, ayaa ka qaybgalka kulankaasi waxaa diiday Boqorka dalka Sacuudiga.

boqor-Salmaan

War kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibada dalka Saudi Arabia ayaa lagu sheegay in Boqor Salmaan uusan ka qaybgaleyn, kulankaasi inkastoo faah-faahin dheeri ah aan laga bixin sababta ka dambeysay diidmada ka qaybgalka kulankaasi.

Kulanka Obama uu ku casuumay madaxda Khaliijka, ayaa looga hadlayaa arimo ku saabsan Nuclearka dalka Iiraan.

Diidmada Boqor Salmaan ayaa noqonysaa Hogaamiyihii ugu dambeeyay ee ka tirsan Khaliijka oo diiday inuu ka qaybgalo kulankaasi, inkastoo ay jiraan Hogaamiyeyaal kale oo aqbalay ka qaybgalka kulanka.

Ilaa hada waxaa la xaqiijiyay in shirkaasi ay ka qaybgalayaan Hogaamiyayaasha dalalka Kuwait iyo Qadar.

Mareykanka ayaa doonayaa in heshiis uu la galo dalka Iiraan, kaasi oo ku saabsan dhanka Nuclearka, maadaama Iiraan ay haysato Nuclear.

Idale News Online, Riyadh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here