Boqolaal Tahriibayaal Somali ku jirto oo la badbaadiyay

0
206

yyy

Iyadoo ay soo hogaageyso Jawiga badda u dhexeysa Dalalka Libya iyo Talyaaniga, ayaa waxaa bilowday Tahriibayaasha kusii qulqulayo Xeebaha Talyaaniga.

Ciiddanka ilaalada Xeebaha Talyaaniga, ayaa waxay soo badbaadiyeen in ka badan 500 oo Tahriibayaal ah, kuwaasi oo la socday Dooni yar oo dhererkeedu ahaa 10 meter.

Tahriibayaashaas ayaa waxaa ku jiray dhowr haween oo xaamilo ah iyo kuwo kale oo ay nafaqo daro ka muuqatay.

Tahriibayaashaas oo Waabarigii hore ee Jimcaha la badbaadiyay ayaa waxaa loo gudbiyay Xero lagu hayo dadka qaxootiga oo ku taalla Jaziirada Lampedusa ee Gobolka Sicily ee Dalka Talyaaniga.

Wargeyska Libya Herald, ee ka soo baxa Tripoli ayaa qoray inay Tahriibayaashasi oo la rumeysan yahay inay ka soo safreen Libya ay la socdeen Dooni yar oo ah nooca cinjirka ka sameysan.

Dhinaca kale, Shabakadda Soomaalidamaanta oo xiriir la sameysa qaar ka mid ah Soomaalida Tahriib-sugayaasha ku sugan Libya, ayaa inoo xaqiijiyay inay ambabaxday Dooni waday ku dhawaad 500 Tahriibayaal oo kala bar Soomaali yihiin dhowr maalmood ka hor u shareecdeen Jaziirada Lampedusa ee Gobolka Sicily ee Dalka Talyaaniga.

Tahriib-sugayaasha ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin Safarka Badda oo maalmahan aad u degen, waxayna xuseen inay Boqolaal Soomaali ah sugayaan inay u Tahriibaan Xeebaha Talyaaniga.

Idale News Muqdisho