Boqolaal Saraakiil Muslimiin Kenyatti ah oo shaqada ciidanka Kenya isaga tagay

0
357

Nairobi(INO)-Boqolaal Saraakiil Muslimiin ah kana tirsan ciidanka dalka Kenya ayaa isaga tagay ciidanka Difaaca dalkaasi ee loo yaqaan KDF, kadib shaki soo kala dhexgalay Sirdoonka Kenya iyo Saraakiisha Muslimiinta ah.

Warbixin uu qoray Wargeyska The Star ee fadhigiisa uu yahay Magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay Shantii sano ee la soo dhaafay ciidamo badan oo Kenyan ah, gaar ahaan kuwa Muslimiinta ah inay shaqada isaga tageen.

Saraakiisha shaqada ka tagay ayaa Caqabadaha ugu badan ee ay ka sheeganayaan ahaa ah,Mushaar yari,xaalad adag ku noolaansho,howlgallada gaarka ah oo aysan Dowladda maal gelin iyo in Dowladda iyo Hay’adaha Sirdoonka Kenya ay ku eedeeyaan in ay Argagixiso yihiin ama u egyihiin.

Sarkaal ka mid ah Saraakiishaasi iska casilay ciidanka Difaaca Kenya ee muslimiinta ah diidayna magaciisa ayaa u sheegay Wargeyska The Star.

“Haddii aad ogtahay waxaan u shaqeynaa Qarankan,aad baan uga xunnahay in nalagu sifeeyo argagixiso,waa ay nagu dhego hadlaan kuwa aan Muslimka ahayn,waxaana noo dheer dabagal joogto ah,iyo cadowtooyo gudaha Ciidanka ah.” Ayuu yiri Sarkaalkaasi

“Saraakiish Millateriga nama aaminaan annaga in badan,waxaa la inoo diray Kenya Boni,si aan uga saarno Al-shabaab,aniga iyo 4 Sarkaal kale ayaa nalaga diray,waxaana xog ku helnay in laga shakiyay in aan la shaqeyno Al-shabaab.”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Wargeyska The Star oo la xiriiray Afhayeen u hadlay Wasiirka Arimaha gudaha dalka Kenya ayaa Jawaabtaan bixiyay.

“Arrintan waxaa ay u baahan tahay waqti dheer iyo xog intan ka faah-faahsan ka horna kama jawaabi karo Wasiirka”. Ayuu yiri Afhayeenkaasi.

Tani ayaa muujinaysa in ciidamada Kenya kuwa Muslimiinta ah aysan sii wadi karin shaqooyinka ay ka hayaan gudaha Kenya ee la dagaalanka Shabaab, kol hadii iyaga looga shakinaayo inay Shabaab la shaqeeyaan.