Fouja Singh oo u dhashay dalka India, balse haysta dhalashadda dalka Britain, aya noqday Ordodyahanka ugu weyn Tartanka Orodda ee dheer ee Marathonka, kaasi oo la ordo masafo dhan 42-km (26-miles).
Fouja Singh oo ka soo jeeda Qowmiyaha Singa Singaha ee India, ayaa waxay haatan da’diisu tahay 101-sanno, wuxuuna dhawaan ka qeybgalay kuna guuleystay Tartanka Orodka Marathonka, kaasi oo dhawaan lagu qabtay Caasimdda dalka India ee New Delhi.
0rodyhankaasi ayaa sheegay inuusa weligiisa wax daawo ah qaadanin, isagoo xusay inuu si joogto ah maalin kasta u jimicsan jirey, uuna ordi jirey.
‘Jimicsiga malin kasta la sameeyo waa caafimaad’ ayuu yiri Odaygasi, oo intasi ku daray in Jimicsiga Maalinlaha uu qofka ka badbaadinayo inuu xanuunsado amba ay cuddurro asiibaan.
Wargeyska ‘The Times of India’ ayaa maalintii Khamiista ee la soo dhaafay soo daabacday Wareysi lala yeeshay 0rodyahankasi, oo haatan booqasho ku mara Gobalka Punjab ee uu asal ahaan ka soo jeedo, wuxuuna sheegay inuu 0rodku qeyb ka yahay nolol-maalmeedkiisa, isl markan uu bidkiisa ordi doonointa uu nool yahay.
Fouja Singh, waxa uu sheegay inuu doonayo inuu Tartanka 0radada ka fariisto, marka uu ka qeyb galo Tartanka Matathonka ee lagu wado in Jesiiradda Hong Kong lagu qabto bisha February ee soo socota 24-da.
0rodyahanka oo sheegtay inuu dhashay bishii April 1st 1911-kii, waxaa lagu wadaa inuu dhowr isbuuc kadib noqdo 102-jir, sida uu ku sheegay Wareysigaasi.
Fouja Singh, oo isagu deegaan ahaan ku nool magaalladda Ilford ee Gobalka England ee dalka Britain, waxa uu horey uga qeybgalay Tartanka 0rodka dheer ee 42-km, ee lagu kala qabtay magaallooyinka London, Toronto iyo New York.
Tartankii ugu dambeyeey oo sannadkii hore lagu qabtay magaalldda London, waxa uu,galay kaalimaha kowaad isagoo orodkaasi ku soo dhameeyey 7-saac iyo 46-daqiiqo.
Idale News Muqdisho