Muqdisho ( INO)-Iyadoo dhawaan la filayo in dalka ay ka bilaawadan doorashoyinka guud ee somaliya ayaa waxaa uu taliska booliska gobolka banaadir uu shegay in ay u diyaar garobeen sugida Amniga goobaha doorashoyinka ee Gobolka Banaadir.
Taliyha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geedi ayaa warbahinta u sheegay in si wanaagsan ay ugu diyaar garoobeen sugida Amniga Doorashoyinka Soomaaliya
Waxaana uu qeexay taliyaha in la diyaarinayo Ciidamo gaar ah oo Boolis ah kuwaas oo loogu tala glaay sugida Amniga goobaha ay ka dhacayaan Doorashoyinka Soomaaliya gar ahaan Gobolka Banaadir.
Maalmihii dambe waxaa Magaalada Muqdisho ku soo badanayay dilalka qorsheysan iyo qaraxyada waaweyn ee loo adeegsado Gawaarida waxaana xusid mudan in Dhawaan Madaxwenaha Soomaaliya uu shaaciyay in Xarakada Al Shabaab ay qorsheynayaan weeraro culus in ay ka geystaan goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka Soomaaliya.