Fulinta qeyb ka mid ah mashruuca mataaneynta magaalooyinka Istanbul iyo Muqdisho oo ay horey ugu heshiiyeen labada duq magaallo ayaa ka soconaya magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho waxaa hada ka soconaya fulinta qeyb ka mid ah mashruucaasi kaasi oo laami lagu saarayo wadada waxaaana ka shaqeynaya shaqaalle isugu jira Soomaali iyo Turki kuwaasi oo iyagu isticmaalaya gaadiidka dhismaha loogu talagalay oo ay walaalaha turkigu ugu deeqeen magaalada Muqdisho.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay fulinta mashruuca lagu mataaneynayo labada magaallo ee Muqdisho iyo Istanbul waxaana uu Afhayeenku baaq u diray ganacsatada mehredaha ganacsi ku leh nawaaxiga wadada laamiga ah oo iyagu ku howlan iney dhismooyinkooda si sharci daro ah laamiga ugu soo durjiyaan waxaana uu afhayeenku tilmaamay in hadii aysan ganacsatadu arintaasi ka waantoobin laga burburin doono dhismooyinka ay sida sharci darada kusoo geliyeen laamiga.
Sidoo kale qaar ka mid ah ganacsatada ku ganacsada wadada Maka Al-Mukarama nawaaxigeeda ayaa si aad ah usoo dhaweeyey dhismooyinka wadada ka soconaya waxaana ay talaabadan ku tilmaameen mid gacan weyn ka geysan doonta soo celinta bilicda Caasimadda dalka.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa intabadan ka wada degmooyinka gobolka Banaadir howlo lagu hirgelinayo mashruuca mataaneynta magaalooyinka Istanbul iyo Muqdisho kaasi oo yimid kadib markii labada duq magaallo ay heshiis kusoo kala saxiixdeen magaalada Istanbul ayadoo heshiiskanna uu maamulka gobolka Banaadir uga golleeyahay soo celintii bilicdii caasimadda lagu yaqaanay.
Idale News Muqdisho