BFS oo Maanta Meel Mariyay Sharciga Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

0
227

Muqdisho(INO)— Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen xarunta Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxay ku ansixiyeen sharciga qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka, kaasoo horay u soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Kulankan ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar, waxaana soo xaadiray 156 Xildhibaan.

Sharcigan ayaa waxaa ansixiyay 155 mudane, halka uu 1 mudane ka aamusay, mana jirin cid ka soo horjeesatay, iyadoo Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka uu ku dhawaaqay in sharcigan uu yahay mid ansax ah.

Sharcigan qaxootiga iyo barakacayaasha qaranka ee ay maanta meel mariyeen xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu soo maray marxaalado kala duwan, iyadoo bishii December ee sanadkii 2013-kii loo soo gudbiyay xubnaha baarlamaanka, waxaana la marsiiyay akhrinta Koowaad, labaad iyo sadaxaad.

Dhinaca kale xildhibaanada baarlamaanka ayaa isla maanta guda galay sharciga maareynta kaalmaha shidaalka dalka, kaasoo ay soo gudbisay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya, iyadoo Wasiirka Batroolka Maxamed Mukhtaar uu ka hor hadlay Xildhibaanada, waxaana uu sheegay inuu sharcigan muhiim weyn u leeyahay.

Idale News Online, MUQDISHO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here