Beesha Yantaar Oo Ka Digtey Arin Xasaasi Ah + Xunsul Doobka Doorashada 2016

0
1155

Leicester(INO)- Iyada oo weli aan si rasmi ah loo caddeyn xilliga ay dhaceyso doorashooyinka Madaxtinimada Soomaaliya & tan Baarlamaanka cusub waxaa soo baxaya cabashooyin ay qabaan qaar ka mid ah beelaha Soomaalida, oo ka digay in qaab musuqmaasuq ah ay ku soo laabtaan Xildhibaanada hadda Baarlamaanka kaga jira beelahaas.

Beelahaas waxaa ka mid ah beesha Yantaar oo ka tirsan beelaha Digil & Mirifle, waxaanna kulan shalay ka dhacay Magaalada Leicester ee dalka Ingiriiska, ayna isugu yimaadeen siyaasiyiin, aqoonyahanno & waxgarad ka soo jeeda beeshaasi lagu cambeereeyeen safiirka Soomaaliya u fadhiya Uganda Sayid Axmed & Xildhibaan Max’ed rashiid Shiikh Daahir oo lagu tilmaamay shaqsiyaad muddo ku dhow 20 sanno si shaqsi ah ugu daneysanayey xilalka ay beeshaasi ugu metelayaan Dowladda Soomaaliya.

Waxgaradkii ka hadlay shirka Leicester waxeey ugu baaqayaan dhinacyada ay quseyso oo ay ugu horreeyaan Madaxweynayaha maamul goboleedka K/Galbeed, Malaaqyada beesha Yantaar & xubnaha IGAD & AU in aqlabiyada ugu badan ee beeshaasi ay ka soo horjeedaan in kursiga Baarlamaanka ee beeshaasi uu ku soo laabto Max’ed rashiid, waxaanna ay dalbadeen in fursad la siiyo aqoonyahanada kale ee beeshaasi.

Aragtiyo kala duwan oo kulankaasi lagu soo bandhigay waxaa bud-dhig u ahaa in la helo shaqsiyaad lagu aamini karo masiirka beeshaasi, waxaanna dadkii kulanka ka hadlay mowqif isku mid ah ay ka qaateen in meel lagaga soo wada jeesto sidii shaqsiyaadka beeshaasi u metelaya Dowladda cusub uu ku yimaado rabitaanka waxgaradka & malaaqyada saxda ah.

“Waxaa nasiib darro ah in masiir dhan oo ummadeed ay “Monoply” ku qabsadaan shaqsiyaad danley ah oo mansabka ay hayaan ka dhigtay dukaan iyagu ay leeyihiin; Xildhibaanka dadkiisa u damqanaya marka uu la hadlayo Xisbi ama shaqsi musharax Madaxweynenimo u tartamaya wuxuu leeyahay: “Haddaan codkeyga ku siiyo maxaad u qabaneysaa ummadda aan metelo.?” kuwa Baarlamaanka Soomaaliya ku jira hal ku dhigeedu wuxuu yahay “Imisa Lacag ah ayaad isiineysaa ” Ayuu yiri Madeey Isaaq oo ka mid ah Jaaliyada Soomaalida ee London, wuxuuna ku booriyey guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku dhaqan Gobolada Koonfurta Soomaaliya in ay meel uga soo wada jeestaan kuwa xilalka u haya ee aan ogeyn xaaladda ay ku sugan yihiin ummadda ay metelaan.

W/Q: Maxamed Xasan Idriis

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay