Waxaa in mudo ah socday dadaalo ay wadeen qaar ka mid ah beesha Sade iyo beelaha Digil iyo Mirifle kuwaas oo lagu doonayay in Gobolka Gedo la raaciyo Gobolada Bay iyo Bakool, isla markaasna loogu magac daro sedexdaas gobol maamul loogu yeerey Koonfur Galbeed Somalia.
Dadaaladaas oo badankooda ka socday dalka dibadiisa ayaa maalmihi ugu danbeyay lo soo raray gudaha dalka Somalia.
Inti dadaaladaasi gudaha Somalia la isugu yimid ama loo soo wareejiyey waxaa kulamo isdaba joog ah ay ka socdeen Magaaloyinka Luuq iyo Garbaharey halkaas oo ay ku sugan yihiin Masuliyiin ka soo jeeda beesha Sade oo si weyn ugu qanacsan in la is raaciyo Gobolada Bay Bakool iyo Gedo.
5ta degmo ee gobolka Gedo ka kooban yahay 3 ka mid ah ayaa dadyowga u badan ay yihiin Digil iyo Mirifle. tusaale ahaan Baardheere, Luuq iyo Ceel Waaq oo intuba yihiin deegaano Digil Iyo Mirifle.
Masuliyiinta wada Mideynta Gobolada Bay iyo Bakool iyo Gedo ee ku sugan gudaha Somalia ayaa waxaa ka mid ah Dhanka Beesha Digil iyo Mirifle. Maxamed Xuseen Al-Qaadi , Xildhibaan Maxamed Ibrahim Xabsade, Xuldhibaan Adan Madooobe, Xildhibaan Adan Saransoor, Xildhibaan Shariif Xasan Sh. Adan oo lo badinayo in uu isugu noqdo madaxa maamul goboleedka Koonfur Galbeed waa haddii sida ay howshu ku socooto aysan waxba iska bedelin.
Dhanka Beesha Sade ayaa waxaa arinkaan Hormuud u ah Maxamuud Sayid Adaan, Maxamed Cabdi Kaliil, Diyaad Cabdi Kaliil ayado dhanka dibadana ay ka kaabayaan Gurey Xaaji Faarax iyo Xubno kale
Idale News Muqdisho