Dhageyso Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose
[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2012/11/siidiiLeego.mp3]Wareysi C/qaadir Max’ed Nuur Siidi uu siiyey Idaacada VOA oo ka hadlaayey dagaal ka dhacey inta u dhaxeysa Leego iyo Yaaqbariweyne ayaa sheegey in wafdiga dowlada ee isaga la socdey ay ka mid ahaayeen Xildhibaan ka soo jeedo degmada Leego oo lagu magacaabo Daahir Amiin Jeesow.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa ah xildhibaan ka soo jeedo lagana soo doorto gobalka hiiraan gaar ahaan Galbeedka Hiiraan, ayaa waa la yaab noqotey in gudoomiyaha gobalka Shabelleha hoose C/qaadir Siidi oo ka soo jeedo beesha Garre ee Digil uu xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo beesha GAALJECEL ugu jira dowlada dhexe ee Federaalka Soomaaliya ku sheego in beeshiisu u nisbeeyo deegaanada balaaran ee Beesha Hubeer ee Shabeelada Hoose oo ay ka mid tahay Degmada Leego.
Fowdadii iyo dagaaladii sokeeye ee dalka aafeeyey in ka badan 22 sano ayaa qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ku kaceen boob iyo dhul balaarsi iyo sheegasho dhul aysan dad iyo deegaan muuqda ku laheyn, waana tan soo dedejisey in dagaalo hubeysan ay iskala hortagaan.
Ma jiro xildhibaan, siyaasiyiin ama aqoonyahano beesha hubeer ka soo jeeda oo war cad ka soo saarey deegaanada beesha leedahay, taasoo keentey in beelaha soomaaliyeed ay ku soo dhiiradaan deegaanada beesha Hubeer ay leedahay guud ahaan dalka Soomaaliya.
Idale News Muqdisho