Dhageyso: Beesha Caalamka & QM Oo Sheegtay In aysan Aqoonsan Doonin Maamulka Bakool Sare

0
213

Muqdisho(INO)- War qoraal ah oo laga soo saaray xafiiska Q,M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee magaciisa loo soo gaabsho UNSOM ayaa waxaa looga hadlay dhex dhexaadin uu urur goboleedka IGAD ka dhex wado Maamulka Galmudug iyo kan Ahlu Sunna Waljameeca oo labada ka jira gobolada dhexe ee dalka.

Beesha_Caalamka_Somalia

Warkaan oo lagu qoray bogga twitterka UNSOM ayaa waxaa lagu sheegay in xafiiska Q,M uu soo dhaweynayo wada hadalada laga dhex wado labada dhinac eek ala ah Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Dhex dhexaadintaas waxaa ay Q,M ku sheegtay in urur goboleedka IGAD uu wado dhankoodana ay taageerayaan

Sidoo kale warkaan xafiiska Q,M kasoo baxay waxaa lagu soo hadal qaaday shirka magaalada Kismaayo ka furmaya dhawaan ee looga hadlaya mustaqbalka doorashada Soomaaliya waxaana lo soo jeedshay madaxda dawlada inay go’aan ka gaaraan nooca doorasho ee dalka ka dhici karta sanadkaan bilowga.

Warkaan lagu qoray twitterka UNSOM waxaa kale oo lagu soo hadal qaaday maamulka dhawaan looga dhawaaqay gobolka Bakool ee loo baxshay Bakool sare waxaana lagu yiri “Q,M iyo beesha caalamku midna ma aqoonsanayo maamulka Bakool sare”.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Muqdiso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here