Beesha 5ta- caleemood oo shir ku yeeshey Magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya + Daawo Sawirada.

0
255

Jiddah: Shir ay isugu yimaadeen jaaliyada Shanta Caleemood ayaa lagu qabtey magaalada Jeddah ee dalka Sacudi Carabiya.

Shirkaan oo ay ka soo qeybgaleen xubno kor u dhaafaya 40 qof oo isugu jira odeyaal dhaqameed, aqooyahano iyo ganacsado dhamaan ka soo jeeda jaaliyada Shanta Caleemood ee ku dhaqan Sacuudiga gaar ahaan magaalada Jeddah ayaa ahaa mid lagu mideynayo beesha Shanta caleemood.

Sidoo kale shirkaan ayaa lagu muujiyey taagyeerada ay u hayaan dhisida maamul goboleedka Koonfur galbeed oo ka kooban 6da Gobol.

Dhamaan xubnihii gogoshaan ka soo qeeb galey ayaa isku raacey in laga wada shaqeeyo midnimada umadooda iyo sidii wax loogu qaban lahaa deegaanada ay ka soo jeedaan waxayna hambalyo iyo bogaadin u direen odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ku sugan magaalada Baydhabo howsha ay hayaan.

Dhanka kale jaaliyadaha Mareykanka iyo Yurub ee kasoo jeeda beesha Shanta caleemood iyo dhamaan jaaliyadaha koonfurgalbeed ayaa waxaa loogu baaqey inay midoobaan si loo hormariyo dadka iyo deegaanka.

Ugu dambeyntii  ayaa waxaa la’isku raacey hogaan ay yeelato jaaliyada shanta Caleemood oo ay hogaaminayaan.

Gudoomiya jaaliyada IRDHE  Maxamed C/laahi Mursal

Gudoomiya jaaliyada HUBEER  Maxamuud Maxamed Cabdi

Duqa jaaliyada JAMBALUUL Siid Cali Sheeq

Duqa jaaliyada HIIFMUGE Axmed  Saqiir

Duqa jaaliyada BARBAAR Xuseen

5ta caleemood15caleemod25ta caleemo3

Idale News Online, Middle East.