Beel ka mid ah Beelaha ku dhaqan Gobalka Jubbada Hoose ayaa ka digey in maamul aan loo dhameyn isla markaasna dano iyo maamul kooxo gaar ah leeyihiin laga dhiso gobolada Jubbooyinka, kaasoo lagu dulminaayo xaquuqda beesha iyo beelaha kale ee Soomaaliyeed ee gobalka wada dega. Waxayna baaq arrintaas ku saabsan u gudbiyeen beelaha deegaanka ee ku howlan arrimahaas, taasoo ay beeshu qoraalkeedu ku sheegtey in ay wax u dhimi karto wada noolaanshaha dadka deegaanka iyo dagaalo soo noqnoqda oo dhex mara beelaha deegaanka wada dega.
Beesha Hubeer oo ka mid ah beelaha dega gobolada Jubooyinka ayaa talo soo jeedin iyo baaqooda ku wajahan dhammaan dadka walaalaha ah ee Soomaaliyeed ee deegaanka ku wada nool ku sheegey in Maamul loo dhiso Goboladaas ay ka go’do oo kaliya dadka u dhashay gobaladaas, sidoo kalena sheegey in loo baahan yahay in laga fogaado wax alaale waxii keeni kara hiilo qabiil iyo cadaalad daro lagula kaco dadka kale ee deeegaanka.
Ugu dambeyntii waxay Beesha Hubeer u soo jeedisey Dowladda Federaalka Somalia in lagu baaqo shirweyne Beelaha Deegaanka yeeshaan laguna qabto gudaha dalka gaar ahaan Gobalka Jubbada Hoose kaasoo looga arrinsanaayo aayaha mustaqbalka maamul uu yeesho Jubooyinka, isla markaasna lagu saleynaayo ka soo qeybgalka shirka dadka dhabta ah ee ka soo jeeda gobolka ee ay ka go’do talada iyo aayaha maamul jubooyinka sidoo kalena ku dhisan is-ixtiraam iyo cadaalad wada gaarta beelaha ku wada dhaqan halkaas balse ka digtey in lagu saleeyo is kooxeysi iyo Hiilo Qabiil oo aan gobalka ka saari karin dhibaatada uu kaga duwan yahay goballada kale ee dalka.
Idale News Kimaayo
Axmed Yoontooy idalenews@yahoo.com