Kulankii maanta ay yeesheen xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya laguna qabtey xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho,ayaa looga doodey miisaaniyada 3da bilood ee soo socota, kaasoo ay keentey wasaaarada Maaliyada ee xukuumada C/weli Cali Gaas.
Guddi farsamo oo ka tirsan baarlmaanka oo loo saaray inay soo eegaan miisaaniyadan ayaa saaka ugu horeyn warbixin siiyey baarlamaanka. Waxaana waxyaabihii ay guddigan soo bandhigeen ka mid ahaa in miisaaniyada aysan u qorneyn qaab cad uu muujinaya sida kharashaadka loo maareynayo.
Guddigan waxay kaloo sheegeen inaysan imaanin xubno ka socday wasaaradda maaliyada oo ay la soo kulmeen, hase yeeshee baarlamaanka looga fadhiyo inay go’aan ka soo gaaraan miisaaniyadan oo ku saleysan saddexda bilood ee soo socota.
Doodan oo bilaabatay saaka ayaa qadar la galay nasasho xilligii Salaada Duhur waxaana mudanayaasha baarlamaanka ay dib isugu soo laabteen Salaada Duhur ka dib.
Qaar ka mid ah xildhibaanada oo isu qoray inay ka hadlaan miisaaniyadan saddexda bilood ayaa dhaliilo ka keenay lacagaha la soo sheegay ee ku yaala miisaaniyada oo ay sheegeen in la soo cadeeyo.
Sidoo kale waxaa dood ay ka timid hay’ado aan dastuuri ahayn oo dawlada ku dhex jira oo iyaguna kharashaad badan ay ku baxaan, waxaana ha’yadahaasi ka mid ah: Hay’adda Maareynta Masiibooyinka, Hay’adda la Dagaalanka burcad badeeda iyo Guddiga Ka Hortagga Musuqmaasuqa oo dhamaantood aanu jirin baarlamaan ansixiyey.
Cadadka guud ee miisaaniyadan saddexda bilood ah ayaan weli saxaafadda la tusin.
Dooda ku saabsan Lacagta baasaboorka ka soo xarooda iyo shirkadaha ajnabiga ee dalka gudahiisa ka howlgala ayaa dood kulul ka dhex dhalisey barlamaanka waxayna xildhibaanada si kulul u weerareen qaabka loo qaado lacagaha baasaboorka Soomaaliga oo la dhigo account xisaabeed ka furan shirkada Dahabshiil, waxayna mudanayaasha baarlamaanka soo jeediyeen in lacagta baasaboorka loo wareejiyo Bangiga Dhexe ee dalka, lana helo xisaab celin joogto ah.
Mar la soo qaaday shirkadaha ajnabiga ee dalka jooga ayaa xildhibaano ka hadlay waxay soo jeediyeen in la helo tirakoob guud oo ku saabsan waxa ay qabtaan shirkadahaasi, dakhliga dawlada ka soo gala iyo miisaaniyada guud ee ay iyagu ku shaqeeyaan si dawlada ugu ogaato.
Ugu dambeyn guddoomiyaha baarlamaanka waxa uu geliyay codeyn gacan-taag ahayd. “Kooramka soo xaadiray fadhiga baarlamaanka ee maanta waxay ahaayeen 174-xildhibaan, waxaa ogolaatay miisaaniyadda 169-xidhibaan, saddex ayaa ka aamusay halkna waa diiday, sidaa daraadeed miinaasiyaddu waa ansaxa,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari oo kulanka shir guddoominayay.
Miisaaniyaddan ayaa waxaa toddobaadkii hore dib u celiyay baarlamaanka iyadoo codsaday in talooyin laga soo bixiyo, waxaana maanta ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ay baarlamaanka Soomaaliya ansixiyaan miisaaniyad ay ku shaqeynso dowladda cusub ee Soomaaliya.
Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
Siyaad Macalin Axmed idalenews@yahoo.com