Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya ayaa codka kalsoonida ah siiyay Xukuumadda cusub ee dalka Soomaaliya kadib kulan ka dhacay Xarunta Golaha shacabka oo Xukuumadda lagu horgeeyay. Kulankaasi ayaa waxaa dhamaan ku dhamaan musuuliyiinta dowlada sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo golihiisa wasiirada.
Maanta ayaa waxaa soo xaadiray kulanka baarlaamka 225 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya waxaana xukuumada codka siiyay 219 Xildhibaan halka ay ka aamuseen Sadax-Xildhibaan sidoo kalena Sadax kale ay diideen.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa daboolka ka qaaday in Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay Xukuumada cusub ee dalka Soomaaliya.
Raysal Wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa halkaasi isna ka hadlay waxaana uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in Baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyaan Xukuumadda cusub ee dalka Soomaaliya.
Tani waxay meesha ka saartey isqabqabsigii dowlada ka dhex jirey oo ku saleysanaa ansixinta xukuumada uu soo dhisey ra’iisul wasaare saacid oo ka kooban 10 wasiir.
Idale News Muqdisho