Sawiro: Barlamaanka oo ansixey Wasiiru Dowlayaasha iyo Wasiir ku xigeenada Xukuumada Saacid Isla maantana la dhaariye

0
220

Dood kulul oo dhex martey xildhibaanada barlamaanka oo horey u ansixiyey Golaha wasiirada xukuumada Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ka dib ayaa lagu ansixiyey wasiiru dowlayaasha iyo wasiir ku xigeenada xukuumada Saacid

Kulanka Xildhibaannada Baarlamaanku maanta yeesheen oo ka dhacey xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayadoo kulankaasi qeybtiisa hore ay Xildhibaannada Baarlamaanku kaga doodeen aragtidooda ku aadan Wasiir dowlayaasha iyo Wasiir Ku xigeennada.


Doodaasi kadib ayaa waxaa cod gacan taag ah loo qaaday Wasiir Dowlayaasha iyo Wasiir Kuxigeennada ay maanta ka doodayeen Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayadoo intii ugu badneyd Xildhibaannadana ay codkooda kalsoonida siiyeen.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo natiijada ku dhawaaqay markii ay xildhibaannada ay codkooda dhiibteen ayaa sheegay in ay 138 Xildhibaan ogolaadeen,halka 12 Xildhibaanna ay diideen,mana jirin cid ka aamustay.

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa horey u ansixiyey Golaha Wasiirrada uusoo magacaabay Ra’isulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Idale News Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here