Banjamin Netanyahu :”Heshiiska Iran Waa Burburka Dowlada Israel”

0
223

Muqdisho(INO)-Raysalwasaaraha maamulka Isra’iil Benjamin Netanyahu ayaa si weyn u qaadacay heshiiska kasoo baxay wadahadalkii dowladaha awooda kuleh Golaha Amaanka iyo dowlada Iran.

Netanyahu ayaa telefoon u diray Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo uu xiligan xiriir fiican uusan ka dhaxeyn, waxaana la sheegay in labada hogaamiye sheekadii ku dhexmartay Telefoonka ahayd mid ay isku afgaran waayeen.

Hogaamiyaha Isra’iil ayaa yiri “….Heshiisan wuxuu u jeen jeeraa dhinaca Iran waxayna ka dhigan tahay iyadoo wadada loo xaaray burburnta Isra’iil, loona ogolaaday Iran inay sii wado hanjabaadeeda ku aadan Isra’iil iyo dalalka kale ee bariga dhexe…”

Netanyahu ayaa isla maanta ku dhawaaqey shir dhanka amaanka ah ooo xukuumadda ISRAEL uga arrinsanayso heshiiska IRAn ay la sxiixdeen dalalka P5+1.

Xukuumada Obama iyo tan Isra’iil ayaa xiligan xiriirkooda xun yahay kadib markii Isra’iil marar badan isku dayday inay majo-xaabiso wadahadalka u socday Maraykanka iyo Iran. Isra’iil ayaa sidoo kale la ogaaday inay basaastay wadahadalka ka socday Switzerland kadibna isku dayday inay iska horkeento Baarlamaanka Maraykanka iyo xukuumada Obama.

Sidoo kale Maraykanka ayaa u jaray xiriirkii wadatashiga ee Isra’iil uu kala sameyn jiray arrimaha ku aadan Iran, waxayna lama filaan ku noqotay Isra’iil heshiiska kasoo baxay Lausanne xili ay moodeysay in wadahadalkaasi uu burburay.

Idale News Online, Talaviv

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here