Qarax xoogan oo khasaare nafeed sababay ayaa caawa fiidnimadii xiligii salaada cishaha ee waqtiga Muqdisho waxaa uu ka dhacay degmada Xamar jajab ee gobolka Banaadir.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxan uu yimid ka dib markii kooxo hubeysan oo bam gacmeed ku weerareen hotel lagu magacaabo Madiina Al-Munawara oo ku yaala wadada Via Roma ee ee degmada Xamar jajab meel ku dhow isgoyska Martiini.
Hotelka bamka lagu weeraray ayaa waxaa degan xildhibaano iyo siyaasiyiin ka tirsan dowlada federaalka Somalia, iyadoo ciidamo ilaalo ka ahaa ay qaraxa ka dib fureen rasaas xoogan, waxaana qaraxaas iyo rasaasta ka dib kala cararay dadkii ku dhowaa goobtaas.
Goob joogayaal ayaa sheegaya iney arkeen qaraxa ka dib gaadiid xiligaas isticmaalayey wadada hor marta hotelkaas oo shilal galay intii ay ka cararayeen qaraxa iyo rasaasta halkaas ku qabsatay, waxaana goobtaas gaaray ciidamo kale oo ka tirsan dowlada
Illaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas, mana jiro war ku saabsan oo ka soo baxay maamulka degmada Xamar jajab, hase ahaatee dad goob joogayaal ayaa xaqiijiyey iney arkeen dhaawacyada tiro dad shacab oo loo cararayo goobaha caafimaadka.
Habeen hore ayey aheyd markii qaraxyo kan caawa oo kale ah kooxo hubeysan oo watay gaari Homey ah ay ku weerareen fariisin ciidamada dowladu ku lahaayeen agagaarka suuqii Bacadlaha ee degmada X/weyne oo wax badan aan ka fogeyn hotelka caawa qaraxu uu ka dhacay, waxaana ku dhintay hal askari halka sadex kale oo shacab iyo askar iskugu jira ay ku dhaawacmeen.
Idale News Muqdisho