Bam Gacmeed lagu weerarey Militariga Somalia ee ku Sugan Kismaayo

0
231

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubada Hoose ayaa waxaa maanta ka dhacay qarax xoogan oo lagu weeray Askar ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya.

Qaaxaan oo ahaa bam gacmaeed isla markaana lagu weeraray askar ka tirsan dowlada Soomaaliya oo xiligaasi ku sugnaa saldhigga Booliiska ee degmada Kismaayo.

Qaraxaan oo dhawaqiisa ahaa mid laga maqlay inta badan xaafadaha kala duwan ee magaalaa kismaayo ka kooban tahay ayaa u muuqdey mid lagu qalqal galinaayo amniga iyo kala dambeynta labadii cisho ee ugu dambeysay ciidamadu qabsadey Kismaayo ka wadeen halkaas.

Ilaa iyo iminka lama sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay qaraxhaasi ka dhacay Kismaayo ee lagu weeraray askarta iyadoo qaraxa ka dib askarta dowlada ay rideen rasaas badan.

Ciidamada dowlada ayaa howlgalo waxay ka wadaan xaafadaha kala duwan ee magaaladaasi kismaayo saaka iyagoo raadinaaya dadkii ka danbeeyay weerarkaasi.

Ilaa iyo iminka cid si toos ah u sheegatay weerarkaan ma jirto sidoo kalana ma ahan markiii ugu horaysay oo weerar caynkaan oo kale uu ka dhaco magaaladaasi kismaayo ee xarunta gobalka Jubada hoose isla markaana lagu soo weeraro ciidamadaasi.

Qaraxaan ayaa ku soo aadaaya xili madaxa guddiga kmg ee maamula Kismaayo Axmed Madoobe oo looga yeerey Kenya arrimo lagu sheegey xalinta khilaaf soo kala dhex galey qaar ka mid ah ciidamadii Soomaalida ee wada qabsadey magaalada xeebta ah ee Kismaayo.

Xafiiska Warqabadka Idale News Kismaayo
Axmed Yoontooy idalenews.com