Bacaadlihii Suuqa Xamar Weyne ee dowladii Siyaad Bare Hirgelisey oo dib loo furey

0
234

Si rasmi ah ayaa maanta dib loogu furay suuqa Bacadlaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir oo xirnaa tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, sida uu sheegay maamulka gobolka.

Afhayeenka gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf Cismaan oo maanta wariyeyaasha kula hadlay suuqa ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeya uu dib u furan yahay Bacadlaha, isagoo tilmaamay in 500 oo qofood oo dhowaan ku guulaystay baqtiyaanasiib loo qabtay ay yihiin dadka ugu horreeya ee suuqa ku ganacsanaya.

Suuqa Bacadlaha ee degmada Xamarweyne oo ah dhisme ka kooban 2056 dukaan ayuu afhayeenka gobolku sheegay in muddo 50 maalin ah ay ganacsatada u oggolaadeen in si lacag la’aan ah ay ugu shaqeystaan.

Qaar ka tirsan golaha odayaasha dhaqanka ee magaalada Muqdisho iyo dadkii gacanta ku hayay dhismaha suuqa ayaa bishii February ku wareejiyay dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya, kaddib markii amar ka soo baxay madaxweynihii xafiiska hayay –Shariif Sheekh Axmed- lagu faray dadka deggan dhismeyaasha dowladda inay ka guuraan.

Guriga hooyooyinka, hoteel Shabeelle, Jaamacaddii Culuumta, Dugsigii Sare ee Badda iyo goobo kale oo ku yaalla Muqdisho ayaa gacanta dowladda ku soo noqday kaddib amarka.

Shirkad la yiraahdo MMC ayaa dayactirtay suuqa Bacadlaha oo dagaalladii sokeeye ay waxyello aan sidaa u badnayn ka soo gaartay, sida uu sheegay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf Cismaan.

Dhinaca kale, maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta billaabay burburinta dhismeyaal sharci-darro ah oo laga dhisay dhul ay dowladda hoose ku leedahay degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.

 

Idale News Muqdisho